Sign in to follow this  
Deeq A.

Cunsuriyadda Meghan Merkle Kala Kulantay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Wararka PP) — Waraysiga Meghan Merkle iyo saygeeda Harry siiyeen Oprah Winfrey wuxuu daboolka ka qaaday cunsuriyad Meghan kala kulantay qoyska.

Intaysan umulin waxaa u yimid qaar ka mid shaqaalaha Qasriga Buckingham. “Wax hanti ah iyo xil looma qoondeyn doono ilmaha kuu dhalan doona. Waannu ka walaacsannahay inuu yeesho midabka dadka madow” buu mid ka mid ah shaqaalaha ku yiri Meghan.

IMG-20210310-WA0001.jpg?resize=890%2C668Harry iyo Meghan oo waraysi siinaya Oprah Winfrey

Meghan hooyadeed waa madow, aabbaheedna caddaan. Waa iskadhal. Sanad ka hor ayay Meghan iyo odaygeedu u guureen Kanada, kana xiriir-furteen qoyska boqortooyada Biritayn. Meghan waxay sheegtay in cadaadisyada uga yimid qoyska boqortooyada ay ku kallifeen inay nolosha nacdo.

Harry xiriirka uu la leeyahay qoyska ayaa gebi ahaanba go’ay. “Aabbahay telefoonka igama qabto, waanse jeclahay aabbahay” ayuu Oprah u sheegay. Harry wuxuu intaa ku daray inuu ku baxsaday hanti uu hooyadiis, Amiirad Diana, ka dhaxlay. “Hantidaas la’aanteed waannu dhibtoon lahayn” ayuu Harry yiri.

IMG-20210310-WA0002.jpg?resize=1000%2C10Meghan oo Boqorad Elizabeth tusaysa Archie, inanka ay ku curatay. Hooyadeed Doria Raglad (taagan midigta Meghan), Amiir Philip (taagan midigta Amiir Harry).

Lammaanuhu waxay leeyihiin wiil Archie la yiraahdo. Meghan waxay dhowaan shaacisay inay mar kale hooyo noqon doonto, oo dhaqtarradu u sheegeen inay gabar dhali doonto. Dad u kuurgala arrimmaha boqortooyada ayaa sheegay in waraysigu dhaawac weyn u geystay qoyska boqortooyada oo leh taariikh gumeysi iyo ka ganacsi dad.

“Maxay gabar madow ahi reer dadka madow neceb ugu biirtay” ayuu nin Maraykan ah oo maqlay guurka Meghan iyo Harry yiri ka hor inta aroos weyn aan loogu qaban London bishii Maajo 2018kii.

© Puntland Post, 2021

The post Cunsuriyadda Meghan Merkle Kala Kulantay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this