Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Shirka Madaxda Soomaaliya oo Sabtida furmaya, Sababtoo ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaaliya oo ay soo qabanqaabiyeen Beesha Caalamka ayaa lagu wadey inuu ugu dambeyn furmo maalinka Khamiista ee 11 Maarso balse dib ayuu uga dhacay maalintaas.

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo lagu wadey inuu maanta yimaado ayaa ka baaqsadey safarkiisa, tasoo keentay in Shirkana dib loogu dhigo ilaa sabtida, Waxaana hada la qorsheeyay inuu Shirku furmo maalinka Sabtida ee 13 Maarso.

Howlgalada ay wadaan Ciidamada Puntland oo maalmahaan howlgalo ka dhan ah Argagixisada wadey ayaa sababay inuu Madaxweynuhu baaqdo, warar ay hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu go’aansadeen inuu dib u dhigo Safarkiisii muqdisho sababtoo ah wuxuu ku guda jiraa Barnaamijka lagu dhiiri galinayo Ciidamada Puntland oo ilaa Jamcada soconaya.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu dhalay soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo hordhac iyo wadatashi ah wuxuu la leeyahay Mudharixiinta Madaxweynaha oo iyagu aan qayb ka ahayn Shirka.

Puntlandi.com Bosaso

085BA04A-E966-4CFD-94DA-AF1D0E4C6A15-678

The post Breaking News— Shirka Madaxda Soomaaliya oo Sabtida furmaya, Sababtoo ah appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this