Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Toddobaad Oo Ka Hadhsan Wakhtiga Xisbiyadu U Gudbinayaan Liisaska Murrashaxiintooda Komishanka, Werwerka Xubnaha Sharaxan Iyo Asxaabta Oo Kala Saarista Kama Dambaysata Ku Mashquulsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddo saddex toddobaad ah, ayaa ka hadhsan wakhtiga sharci dhigayo in Saddexda Xisbi qaran ee Waddani, Kulmiye iyo UCID ay u gudbiyaan Komishanka doorashooyinka Liiska kama dambaysa ah murrashaxiinta uga qayb galaya doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka.

Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland ee Xeer 91/2020, ayaa tilmaamaya in ay Xisbiyadu muddo 60 maalmood ka hor ah wakhtiga doorashada in ay gudbiyaan Liisaska murrashaxiintooda, kuwaas oo Komishankuna hubin ku samayn doono, marka loo gudbiyo.

Qodobka 72aad, ee xeerkan oo ka hadlaya soo gudbinta Liisaska Murrashaxiinta, ayaa waxa uu tilmaamayaa sidan: “Qodobka 72aad U soo Gudbinta Komishanka liiska Musharixiinta Doorashada Golaha Wakiilada 1. Xisbi kastaa waa in uu liiska murashixiintiisa heer gobol u soo gudbiyaa Komishanka ugu yaraan ka hor 60 maalmood maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada Golaha Wakiillada.

  1. Liiska Murashixiinta ee ku xusan qodobkan faqradiisa 1aad wuxuu noqonayaa liiska Furan waxaana ahmiyad loo kala siinayaa siday u kala horeeyaan.
  2. Liiska Musharixiinta ee ku xusan farqada 1aad waa in ay la socdaan: – a) Qoraal ay saxeexeen guddida xisbiga ugu xil saaran soo xulista iyo magacaabista musharixiinta oo ay ku cadahay in xulista iyo magacaabista murashixiintu u dhacday sida Xeerkan jideeyay; b) Cadaynta Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Wasaarada Maaliyada ee inay dhammaan murashixiintu bixiyeen deebaajiga musharaxnimada; c) Qoraal uu Musharax kasta oo la soo xulay ku cadaynayo in uu buuxiyay shuruudihii musharaxnimada ka go’an tahay in uu noqdo musharax u taagan doorashada Golaha Wakiilada; d) Qoraal lagu cadaynayo heerka waxbarasho iyo shahaadooyinka uu haysto; e) Qoraal lagu cadaynayo in aanu jirin Xeer musharaxa ka hor istaagaya in uu u tartamo doorashada Golaha Wakiilada, Lana socdaan cadaymaha hayadaha awoodaha u leh.”

Sidoo kale, Qodobka 84aad isla Xeerkan, oo ka hadlaya qaab loo gudbinayo murrashaxiinta Goleyaasha Degaanka ee Xisbiyada, ayaa tibaaxaya in 75 maalmood ka hor doorashada Liiska Murrashaxiinta loo gudbinayo Xafiisyada Komishanka ee degmooyinka, wakhtiga qodobkan sheegayo waxa ka hadhsan imika muddo kooban toddobaad ku dhow, waxaanu qodobkan u dhigan yahay sidan: “Qaabka soo Bandhigida Musharaxiinta 1. Liiska Musharixiinta Golayaasha degaanadana waa in la geeyo xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6-da galabnimo maalinta 75aad intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman Xeerka. 2. Liiska murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa, a) magaca murashaxa oo afaran, b) meesha uu ku dhashay iyo sannadkii uu dhashay; c) haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jirto), d) Waxa kale oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay.

  1. Liisaska murashaxiinta ururka/xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa: – a) Caddeynta shaqo ka tegidda ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan. b) 4 koobi oo saxeexan oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii iyo shaanbadii ururku/xisbigu. c) Caddeyn uu bixiyey musharax kasta oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay musharaxnimada iyo inuu buuxiyey shuruudaha ku xidhan d) Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda ee ku xusan Qodobka 83aad ee Xeerkan.”

Dhinaca kale, iyada oo wakhtigan u hadhsan in la gudbiyo liisaska murrashaxiintu kooban yahay, ayaa waxa maalmihii u dambeeyey ay Xisbiyadu ku mashquulsanaayeen kala saarista iyo xulista xubnaha Murrashaxiinta u noqon doonaya, iyada oo culays badan Xisbiyada ka hayso murrashaxiin ka badan intii looga baahnaa degmo iyo gobol kasta, kuwaas oo kala reebistoodu way weli ka socoto xarumaha Xisbiyada ee gobollada iyo Degmooyinka dalka.

Xisbiyada qaarkood ayaa heer gebo gebo marinaya dhamaystirka gobolladii u horreeyey ee ay kala saaraan Murrashaxiintooda, isla markaana u gudbi doona gobollada iyo degmooyinka kale ee hadhsan.

Qaar ka mid ah Murrashaxiinta Xisbiyada Iska Sharaxay, ayaa qaarkood wax ay ka werwersan yihiin in ay ku hadhaan Xarumaha Xisbiyada ee ay ka socoto hawsha kala reebistu.

FB_IMG_1615363777730.jpg FB_IMG_1615363777730-1.jpg FB_IMG_1615363775263.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this