Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland Oo Shaqadii Ka Joojiyey Maayirkii Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa shaqadii ka joojiyey Guddoomiyaha ahna duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa shaqadii lagaga joojiyey guddoomiye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Waxaana lagu sheegay inuu shaqada sii wadayo guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee degmadda Boosaaso.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka March 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Eedaymaha la xidhiidha ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso

Markuu arkay: Tallo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baadhis dhammeystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this