Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii xarunta Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii hoobiyayaasha lagu bartilmaameedsaday xarunta Xalane ee Muqdisho.

Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.”

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kor u qaadday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee argagixisadu soo qaadday iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino bulshada caalamka iyo shaqaalaha samafalka in dowlada ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga ah.” Ayuu sii raaciyay Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii xarunta Xalane appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this