Sign in to follow this  
Deeq A.

“Marka La Kala Jarro Wadarta 3 Gobol Ee Barri Iyo Gobolka Maroodji-jeex , Waxaa Soo Baxaysa In Gobolka Maroodi-jeex Dheer Yahay 3 Gobol Ee Barri 18 Kun Oo Cod…” Diiwaangelintu Maxay Muujinaysaa

Recommended Posts

Deeq A.   

”Diiwaangelintu maxay muujinaysaa ”.

Diiwaan-gelintu waa nooc ka midda waxyaabaha la yidhaahdo xog-uruurinta , xog uruurin kastana marka la hello waa lagga hadliyaa waxaana la iska waydiiyaa suaalo ka dhasha xog uruurinta , suaalahaas ayaana sabab u noqda helista xalalka loo baahan yahay 

Hadaba Diiwaangelintan maalinta dhawayd lasoo bandhigay hadaynu si yar oo kooban gees uga yara eegno  .

Somaliland waxay ahaan jirtay laba qaybood oo isu dheelitiran kuwaas oo kala ah Barri iyo Galbeed .

1- Hargaysa, Berbera iyo Boorama waa Galbeed .

2- Burco, Ceergaabo iyo Laas-caanood waa Barri .

Hadaba labadaa qaybood oo isku dhadhawaa dhinaca Dadka ayay diiwaan-gelintani muujinaysaa in wax wayni iska badaleen sababtoo ah 

Gobolka Maroodi-jeex waxaa iska diiwaangelisay 499,000  .

Goboladda Togdheer, Sool iyo Sanaagna 481 ,000 .

Marka la kala jarro wadarta 3 Gobol ee Barri iyo Gobolka Maroodji-jeex , waxaa soo baxaysa in Gobolka Maroodi-jeex dheer yahay 3 Gobol ee Barri 18 kun oo cod  .

Arrinta labaad ee Diiwaan-gelintan ka muuqataa iyana waxay tahay , In Gobolka Sool aad usoo kabanayo maxaa yeelay  Diiwaangelintii horre waxaa iska diiwaangeliyay 64 kun oo qof halka imikana 45 kun ,iyadoo is badalkaasi ku dhacay muddo aad u kooban  .

Waxa kale oo iyana is diiwaangelintani muujinaysaa in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu baaxad wayn Somaliland hadana yahay Gobolka Dadka ugu yari iska diiwaangeliyeen , iyadoo tiradda guud ahaan Gobolka iska diiwaangelisayna ay tahay mid aan u dhigmin baaxadda Gobolka iyo qiyaasta lagga filayo 

Sidaa darteed Gobolka Sanaag waxaa ka muuqata soo kabasho la’aan iyo dib udhac loo baahan yahay in xoog looga gacan qabto

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this