Sign in to follow this  
Deeq A.

War degdega:Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Xalane oo ah Bogcada Safaaradaha & Hayadaha Caalamku ka degan yihiin Muqdisho 

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Xalane oo ah Bogcada Safaaradaha & Hayadaha Caalamku ka degan yihiin Muqdisho

xalane.jpg

War goordhow warbaahintu heshay ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa warbaahinta u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay ku dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this