Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo guddoomiyey shir looga hadlayey abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku guddoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubbaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.

Shirka waxaa madaxweynaha kala qeyb galay guddi  gaar ah oo loo magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo hay’addaha  gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala guddaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka dowladda  Jubbaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubbaland ay ka kooban tahay.

1c521a37-5e8f-4dc4-ac50-b1003b3c593f.jpg 2d98f41e-2ffd-470c-acb2-90d1f75b6544.jpg 7eb625fc-9874-4d94-beec-272c8589476c.jpg 241e6984-f792-41ea-941f-99185a88f421.jpg c9b32a96-84fb-44fd-841c-3c8319b75da5.jpg d0da230b-ca13-4e02-9e7c-974962433166.jpg fa52ea1b-9ca0-4062-aecd-20d7cbf7e7cd.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this