Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeelooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan illaa 25 ka mid ah Al-Shabaab ayaa la dilay, 15 kalena adhaawacyo ayaa soo gaaray kadib duqeyn lala beegsaday saldhig ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ee gobollada Shabeelooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha Xoogga dalka.

Sarreeyo Guuto, Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-gal saacado qaatay lagu dilay sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye, sidoo kale waxaa la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howl-galadan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this