Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Madaafiic Lagu Garaacay Qeybo Ka Mid Ah Xarunta Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin khasaaraha ka dhashay.

Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhawaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka soo qeybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this