Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic hoobiyaal ah oo lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar culus oo hoobiyaal ah ayaa goor dhowayd lagu garaacay Xerada Xalane, oo qayb ka ah xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan, in ilaa lix hoobiye lagu duqeeyay Xarunta Xalane, inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Xarunta Xalane oo si weyn Amnigeeda loo ilaaliyo, islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Reer Galbeedka, waxaa marar kala duwan lagu weeraray madaafiic hoobiyaal ah, kuwaas oo Al-sahbaab sheegteen.

Waxaase xusid mudan in weerarka aysan weli cidna sheegan .

PUNTLAND POST

The post Madaafiic hoobiyaal ah oo lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this