Deeq A. Posted March 9, 2021 Warbixin Gaar ah Muqdisho (Wararka PP) — Waxaa foodda nagu soo haya dhegeysiga dacwadda muran badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sababtee ayay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamigu u dhexdhexaadinaysaa laba dal oo muran badeed uusan dhex oollin ka hor 2014tii, shan sano kaddib Heshiiskii Isafgarad dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya? Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyihii hore ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in Kenya 2005tii xadaysay badda, oo ay shirkado siisay heshiis badda lagaga baarayo shidaal, iyo in Statoil, oo Norway laga leeyahay, ay ka mid tahay shirkadaha heshiiska shidaal baaris la galay Kenya. Warqad diidmo ah oo ay dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga waxay ku xigatay xeeldheerayaal sharci oo Soomaali ah oo difaacaya Heshiiska Isafgarad (Memorandum of Understanding), waxayna u kala qaybisay dadka Soomaalida ah diiddan Heshiiska Isafgarad laba kooxood: Al-shabaab iyo Soomaaali “u nuglaatay dacaayad ka dhan ah Heshiiska Isafgarad”. Reer Ba’ow Yaa Ku Leh? Burburka Soomaaliya ayaa keenay in dalal kale ay Soomaaliya baddeeda soo haweystaan, ayuu Axmed Cali Daahir sheegay. Wuxuu Heshiiska Isafgarad ku tilmaamay mid wax lagaga qabanayo muran ka dhashay go’aan Kenya keligeed ugu xadaysay badda 2005tii. Axmed Cali Daahir marnaba muu xusin dalka xadgudubka sameeyay. Muxuu Xeer Ilaaliyihii hore oo mar Wakiil Soomaaliya u xilsaartay dacwadda badda ahaa, uga gaabsaday inuu sheego in Soomaaliya laga gardaran yahay? Hadalka Axmed Cali Daahir wuxuu taageeray xog Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke 2016kii Garoowe ka sheegay oo ah “in Noway ay qortay Heshiiska Isafgarad ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen.” Norway waxay u danaynaysay shirkaddeeda Statoil, oo heshay xaq ay shidaal kaga baarto dhul badeed Soomaaliya ay leedahay oo Kenya ay boobtay. Kenya way erisay Statoil dhowr sano kaddib saxiixistii Heshiiska Afgarad Soomaaliya lagu siray. Statoil way diidday inay sahan ku samayso boloogga L26 ka mid ah dhul badeed Kenya sheegatay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ( bidix), Shariif Sheekh Axmed (dhexda) iyo Cumar Cabdirashiid (ugu geeseeya, midig) waxay fududeeyeen in Kenya sheegato bad Soomaaliyeed kaddib Heshiiskii Isafgarad ee 2009kii. Axmed Cali Daahir wuxuu buriyay doodda Cumar Cabdirashiid in “Heshiiska Isafgarad ku saabsanaa Soomaaliya oo doonaysay inay fidsato badda, oo hadda ah 200 oo mayl badeed.” Ra’iisal Wasaare Cumar wuxuu sheegay in Soomaaliya ka baxday Heshiiska Isafgarad kaddib markii Kenya ay“ si xun u adeegsatay Heshiiska Isafgarad.” Axmed Cali Daadir wuu ka warwareegay xusidda in Kenya sheegatay bad Soomaaliyeed inkastuu Soomaaliya mar ugu xilsaarnaa ka qeybgalka dacwadda muran badeedka oo ay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamigu qaadayso. Heshiiska Isafgagard waxaa ku qoran in Soomaaliya iyo Kenya isku maandhaafsan yihiin dhul badeedka dhaafsiisan 200 mayl badeed iyo meelo kale. Dowladihii Soomaaliyeed kala dambeeyay may caddaynin dhul badeedka Kenya nagu sheeganayso. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu 2016kii ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur inay badda Soomaaliyeed ku rideen gacanta Kenya. Ku Qabso, Ku Qadi Maysid Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa 2006dii ku gacan-sayray dalab Kenya ku doonaysay inay la gasho Soomaaliya Heshiis Isafgarad ku saabsan badda. Buubaa wuu diiday in muran badeed uu Soomaaliya kala dhexeeyo Kenya. “Badda Soomaaliya xadkeedu wuu cad yahay” ayuu Buubaa ku yiri farriin uu diblomaasi Soomaaliyeed u gudbiyay Kenya. Sidee Soomaaliya bad u fidsan kartay 2009kii xilli Al-shabaab ka talinaysay seddex meelood laba meel (2/3) Muqdisho? Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuu diiday inuu ka hadlo heshiiska. “Ra’iisal Wasaariihii dowladda [Cumar Cabdirashiid] iyo Wasiirkii saxiixay [Cabdiraxmaan Cabdishakuur] ayaa jooga” ayuu wariye u sheegay. Waa dhab in Kenya ka faa’iideysatay burburka Soomaaliya oo ay ka dhaadhicisay madax Soomaaliyeed in sheegashada Kenya xaq tahay. Ilaa hadda Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uun baa sheegay in Kenya si xun u adeegsatay Heshiiskii Isafgarad, isaga oo, sida cad, eedda ka leexinaya dowladda uu Ra’iisal Wasaaraha u ahaa oo si indho la’aan ah dhul badeed Soomaaliyeed kaga dhigtay “dhul badeed lagu muransan yahay”. Cumar Cabdirashiid, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur way og yihiin in dareenka qarannimo ee Soomaalidu ka taagdaran yahay dareenka heyb beeleedka. Waa sababta ay weli ugu jiraan siyaasadda Soomaaliya oo weli han hoggaamineed u leeyihiin. Kenya waxay maxkamadda la tagtay doodda ah “Soomaaliya ayaa 2009kii qirtay in muran badeed uu labada dal u dhexeeyo.” Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu dhaxlay dal dhulkiisa barriga iyo badduba aysan muran ku jirin. Go’aan 2009kii Villa Somalia ka soo baxay ayaa ma’suul ka ah in Kenya sheegato dhul badeed ay Soomaaliya leedahay. Weli Soomaaliya way u nugushahay siyaasiyiin dibindaabyo qaran ku kici kara xitaa haddii Soomaaliya ku guuleysato dacwadda badda. © Puntland Post, 2021 The post Sababta Kenya u Sheeganayso Bad Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites