Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Soomaaliya oo xubno badan Al-shabaab kaga laayay Gobollada Shabeelooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab ku laayeen hawlgal qorshaysan, oo ay ka fuliyeen inta u dhexaysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelooyinka.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen, Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkaas lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil sare sidoo kalena lagu dhaawacay ilaa 15 dagaallame.

25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ayaan ku dilney howlgaladan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15 kalen, waxaana ka mid ah amiirkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanadan,” ayuu yiri Gen Odowaa.

Sidoo kale, wuxu sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen dhawr degaan oo ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka, halkaas oo haatan Ciidamadu gacanta ku hayaan. Hawlgalka waxa qayb ka ahaa duqaymo dhanka Cirka ah sida uu sheegay Gen Odowaa.

PUNTLAND POST

The post Milateriga Soomaaliya oo xubno badan Al-shabaab kaga laayay Gobollada Shabeelooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this