Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Booliiska oo sheegay in qof kasta oo ka safraya magaalada laga rabo damiin

Recommended Posts

Deeq A.   
Sarkaal.png?resize=731%2C489&ssl=1

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe  laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.

Axmed Maxamuud wuxu sidoo kale sheegay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.

Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa Ammaanka guud ee caasimadda Garoowe oo lagu tiriyo magaalooyinka ugu Amniga fiican Geeska Afrika lana magac-baxday Amni-badantii Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Booliiska oo sheegay in qof kasta oo ka safraya magaalada laga rabo damiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this