Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo Haweenka Soomaaliiyed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee 8 Maarso

Recommended Posts

Deeq A.   

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Maxamed Maxamud Cali, ayaa hambalyo ku aaddan Maalinka Caalamiga Haweenka ee 8-da Maarso u diray dhammaan haweenka Soomaaliyeed.

Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay door muuqda ka ciyaarayaan, isla markaana ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u soo kabashada ee dalkeenna ka jira.

“Waxaan ugu hambalyaynaya dhammaan Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda Maalinka Caalamiga Haweenka awgeed. Hal adeegga ay muujiyeen sidii loo horumarin lahaa bulshada iyo hay’adaheenna dowliga ah, waa mid mudan bogaadin iyo in la sii xoojiyo” ayuu yiri Hanti dhowraha Guud Qaranka Maxamed Maxamud Cali.

Maalinka Caalamiga ee Haweenka ayaa ah munaasabad kor loogu qaado, isla markaana lagu aqoonsado dadaallada kartidu ay ku dheehantahay ee ay haweenka dunidu ay u hayaan bulshooyinkooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this