Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 117 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 7 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 36 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (83), Somaliland (32) iyo Jubbaland (2) qof, 73 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 44-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,438 waxaa bogsootay 4,004 Ruux. guud ahaan 307 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

 

COVID-19-5.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this