Sign in to follow this  
Deeq A.

Suudaan Oo Dowladda Itoobiya Ku Eedaysay Inay Hubayneyso Koox Falaago Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Ciidanka Dowladda Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay hubeynayaan Dhaq-dhaqaaq Fallaago ah, si ay u qabsadaan Magaaladda Kurmuk ee Gobalka Blue Nile ee Koonfur Bari ee Sudan.

Ilo-Millatari oo ka tirsan Ciidanka Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay Taageero Hub, rasaas iyo qalab Milliteri siinayaan Dhaq-dhaqaaqa Falaagada ee uu hoggaamiyo Joseph Touka.

Itoobiya waxay kaloo u ballan qaaday Fallaagadaasi inay Ciiddanka Itoobiya ka taageeri doonaan Duqeymaha Madaafiicda, si ay Kooxda Joseph Touka u qabsadaan magaalladda Kurmuk ee Sudan.

Taageeradda Millatari ee ay Ethiopia ugu yabooheen Maleeshiyada Kooxda Joseph Touka ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey Gobalka Yabous ee dalka Sudan, iyadoo lagu wareejiyey Joseph Touka iyo qaar ka mid ah Taliyayaashiisa Ciiddamadda.

Ilaha Millatari ee Dowladda Sudan waxay sheegeen in qorshaha Itoobiya u hubeynayso Kooxdaasi tahay sidii uu Joseph Touka u qabsan lahaa magaalada Kurmuk, iyadoo Madaafiicda Itoobiya ka taageerayaan Duullaankaasi.

Bishii October ee sanadkii hore, Heshiis Nabadeed ayaa waxaa wada saxiixday Dowladda Sudan iyo Wakiillo ka kala socday Dhaqdhaqaaqyada Hubeysan ee ka tirsan Isbahaysiga Jabhadaha Kacaanka (The Revolutionary Front Alliance).

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this