Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo xooggan oo gilgilay magaalada ugu weyn dalka Equatorial Guinea

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaraxyo.jpg?resize=864%2C486&ssl=1

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay, boqollaal kalena waa ku dhaawacmeen, qaraxyo xooggan saacadihii la soo dhaafay gilgilay magaalada ugu weyn waddanka Equatorial Guinea ee Bata, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin dowladeed.

Bayaan kooban oo laga sii daayay Telefishinka dowladda, ayaa lagu sheegay in Qaraxyadaas ay ka dhaceen xarun milatari oo ku taalla magaalada Bata, islamarkaana ay ku dhinteen ilaa 20 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 500 oo kale.

Telefishinka ayaa sidoo kale ka soo xigtay madaxweynaha dalkaas Teodoro Obiang in Qaraxyadu ay ka dhasheen dayac ka yimid maadada qaraxda ee dynamite, oo lagu isticmaalay gudaha xarunta milatari.

Sidoo kale, Telefishin maxalli ah ayaa soo bandhigay kooxaha gurmadka oo maydad ka soo guraya burburka hoostiisa iyo dad ku qaylinaya in dhiig loo shubo dhaawacyada buuxiyay isbitaallada.

Equatorial Guinea waa dal yar oo ku yaalla xeebta galbeed ee bartamaha Afrika, oo ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof, kuwaas oo badankoodu faqiir ah, waxaana aad looga deyriyaa xarumaha iyo adeegyadiisa caafimaadka.

In ka badan 42 sano waxa dalkaas ka talinayay madaxweyne Teodoro Obiang, kadib markii uu adeerkiis ka inqilaabay xilka 3 Agoosto 1979-kii.

Sidoo kale, waxa madaxweyne ku xigeen iyo wasiir difaac u ah wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue, kaas oo awood badan ku dhex leh dowladda.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise

The post Qaraxyo xooggan oo gilgilay magaalada ugu weyn dalka Equatorial Guinea appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this