Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo Guluf dagaal ka bilowday Buuraleyda Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
one-3.jpg?resize=720%2C305&ssl=1

Cutubyo aad u qalabaysan oo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland, ayaa ku qulqulaya Buuraleyda Gobolka Bari, maalin uun kadib markii Madaxweyne Deni ku dhawaaqay guluf ciidan oo ka dhan ah Argagixisada.

Ciidamada Daraawiishta iyo Kumaandooska Puntland, oo kaashanaya Qaybaha sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo PMPF, ayaa ku jihaysan dhanka Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuuntan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, Ciidanka Booliiska oo isna kaashanaya Laanta Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gudaha magaalada Boosaaso ka wada hawlgal culus oo lagu ugaarsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii la weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso halkaas oo Al-shabaab kala baxday maxaabiis  ku xirnayd, inkastoo qaarkood dib looga soo furtay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo Guluf dagaal ka bilowday Buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this