Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheikh Umal: Deni iyo Axmed Madoobe waxay ka mid yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya, ayaa farriin adag u diray Madaxweynayaasha Puntland.

Sheikh Umal ayaa muuqaal uu xalay soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ay qayb ka yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya, gaar ahaanna xasaradda siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Wuxu sheegay in labadaas mas’uul ay shuruudo badan hor-dhigeen shirar kala duwan, oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka aloosan Arrimaha doorashada, si heshiis dhammaystiran looga gaaro murankaas.

Sidoo kale, wuxu xusay in uu jiro tuhun la xiriira in labada madaxweyne ay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo aan wax dan ah u hayn Soomaaliya, inkastoo uu ka afeeftay in isagu uusan xaqiijin Karin tuhunkaas.

Hoos ka daawo Hadalka Sheikh Umal

PUNTLAND POST

The post Sheikh Umal: Deni iyo Axmed Madoobe waxay ka mid yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this