Sign in to follow this  
Deeq A.

Shahaadadi Wax Ma Kordhiso Waxna Ma Dhinto. Period!

Recommended Posts

Deeq A.   

Adduunyadan xil kasta oo la qabtaa, hadduu yahay xil ummadda loo hayo iyo hadduu mid gaar aba yahay, waxa looga baahan yahay shakhsiga qabanayaa xilka in uu leeyahay lana yimaado anshax, aqoon iyo qiyam uu si habsamiya ugu guto xilka, oo aan marna la dhayalsan karin lana dhaafi karin.

Haddaba shaqadu ama xilku waa kala duwan yihiin. Shaqooyinka iyo xilalka qaar ayey lagama maarmaan tahay in qofka qabanayaa uu lahaado aqoon iyo khibrad, waayo shaqooyinka iyo xillalka qaar ayaan qof waliba gudi karin haddaano u aqoon u la hayn sida loo qabto. Masalen qof aan dhakhtarnimada baranin dee dad buka dhakhtar u furan maayo, qof xisaabiye ahi, dembi baadhe looma qoran karo, qof aan afkiisa hooyo mooyee, afkale baran, dee af-qalaad ma turjumi karo.

Siyaasadda iyo maamulku waa laba shaqo oo aan marna kala maarmin. Siyaasadda iyo maamulka waxa isu keena, isku xidha iskuna qobtala in ay wada shaqeeyaan, shaqo keliyana inta badan wada hayaan “maamulidda iyo maaraynta” (administration and management).

Dawlad kasta shaqadeedu waa maamulid iyo maarayn. Dadka, dalka iyo duunyada, intaba waxa u xil saaran oo u egman in ay masmusho dawladda. Aragti iyo aqoon haddii aanay lahayn dadka loo doortay in ay ka shaqeeyaan daryeelidda dadweynaha, horumarinta dalka iyo abuuridda iyo hindiseyaal lagu abuuri karo shaqooyin dhaqaalaha dadka kobciya iyo shuruuc kala furfurta dadweynahan iyo dawladdan dhegeha markasta iskula jira, warareeg iyo wanjalaad ayey siyaasadda iyo maamulka dadka iyo dalku ku jirayaan. Hadday taagan tahay.

Sida u qorshaysan maamulka Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ah muddo seddex bilood ka yar ayey u dareeri doonaanbdadweynaha Somaliland doorashadii golaha wakiilada iyo kuwii deegaanka. Dadkii isu soo sharaxay labadan xil in ay kala qabtaan waxa lagu xidhay shahaadooyin qeexaya heerka waxbarashada halka ay ka gaadheen musharraxiintu. Waxa kale oo ay wasaaradda tacliintu iyo komishanka doorashooyinka ee la ogaa in uu gacan ku rimis ahaa, ay ku hanjabeen in shahaadaha ay soo qadimaan musharraxiintu ay hubin doonaan in ay bug yiin iyo inkale.

Haddaba bal aan is wediino musharraxiintu xilka (shaqada) ay isu soo sharaxeen in ay u qabtaan ummadda Somaliland waxa uu yahay? Ma xil maamul iyo maarayn ku lug leh baa? Ma xil cadaalad darrada iyo cilin saarista maamul xummidda dalka iyo dadka haystaa? Ma xil daryeelka dadweynaha, dejinta shuruuc lagu kala socdo iyo distoor illaalinta ku kooban baa? Ma xil manaasib siyaasadeed ah baa? Ma xil dhaqameed baa? Shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta waa qaar caynkeeya? Khibrada iyo aqoonta musharraxiinta xildhibaanada looga baahan yahay maxay tahay? Ma in ay mushararaxiintu xisaabta, ingiriisiga, fiisigiska, kimisteriga iwm yaqaaniin baa? Mise waa in ay yaqaanaan xalinta mashaakilka, maaraynta dhaqaalo xummida, iyo dhaqista bulshaweynta?

Shahaadahu wax ma xalilaan waxna ma xumeeyaan. Caqliga iyo camalka bin’aadmiga ayaa wax xalila waxna xumeeya. Caqliga iyo aqoonta dadka Illaahay geliyo ayaa cilmiga la barto sameeya oo abuura. Dadka sameeyey sharciga shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta xildhibaanada golayaasha waxay ku saleeyeen ee ay u cuskadeen waa in ay cadeeyaan, dadweynahana u sharaxaan. Sharci aan qodobo laga baaraandey ku fadhiyin lays kama sameeyo.

Sidaynu ognahay doorashooyinku dadweynaha Somaliland waxyeelooyin ayey had iyo jeer ku hayaan. Dadkay coleysiiyaan, turxaan, godob iyo cadaawed ayey dad isku caailad ah kala dhex dhigaan. Dawladda lefteeda ayaa fara-gelin danaysinimo ku dhisan ku haysa reeraha u codka siinaya musharaxiinta. Xisbiyada qudhoodii ayaa ayaguna kala boobaya musharaxiintii. Komishan dhan walba ka madax banaan oo dalka iyo dadka u dhaarsan oo aqoon u leh sida loo kala saaro ee loo kala doorto musharaxiinta xilal siyaasadeed qaban kara laguna aamini karana malahin. Taasina waa dhib dalka haysata, cid u taagan in ay dar illaahay u gudato xilkana illaa hadda ma hayno.

Sidaynu ka dhegregsanahay xilalka waxa loo doontaa in biil laga helo. Inta ku hamida dadka iyo dalku sida uu hadda yahay loona maamulo in wax ka bedel ku sameeyaan waa yar yiin, waayo siyaasaddii iyo xil raadsigii ayaa waxa uu noqday “tafaqsi iyo danaysinimo.”

Waxaan ku soo gebagabeynaa mawduucan ku saabsan waxa looga baahan yahay in ay ka muuqato musharraxiinta xildhibaanada golayaasha shahaadado kum jirto kana heli meysaan ee waxa kale ha laga eeg. Shahaadadi waxma kordhiso waxna ma dhinto. Caqliga iyo aqoonta dadka ku jirta ayaa wax kordhiya waxna dhimma. Period.

By: Jama Falaag
Hargeysa, Somalilan

jamafalaag@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this