Deeq A. Posted March 7, 2021 Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya inuu beri Muqdisho imaan doono madaxweyne Axmed Madoobe, halka Siciid Deni oo isna soo gaari doono maalinta Taaladada ah. Labada hoggaamiye ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhammaadka todobaadkan ka furmayo Muqdisho. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dhacaya xarunta Xalane, iyadoo doodo adag ay yeelan doonaan dhinacyada ka qeyb-galayaa shirkaasi oo diirada lagu saarayo doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli laísku hayaa hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites