Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada oo shir uga furmayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmi doono shir ku saabsan xallinta muranka doorashooyinka, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in shirka lagu dhammaystiri doono Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September Muqdisho lagu saxiixay.

Sidoo kale, wuxu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble diyaar u yahay in uu sii wado kulamadii u dhexeeyay isaga iyo murashixiinta mucaaradka ah si loo gaaro heshiis iyo af-garad buuxa, islamarkaana dalku doorashu u aado.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado.”

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada oo shir uga furmayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this