Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Kuma Afhayeenka Cusub Ee Urrur Gobaleedka IGAD?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Fulinta ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (IGAD) H.E. Dr Workneh Gebeyehu ayaa maanta Nuur Maxamuud Sheekh  u magacabay Afhayeenka Urur gobaleedka IGAD .

Nuur Maxamuud Wuxuu muddo  30 sano ah ka shaqeeynayay howlaha  xagga diblomaasiyadda, dhexdhexaadinta, ilaalinta qaxootiga, iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Magacaabistaan ka hor, Nuur wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale la shaqeeyey Ergeyga Gaarka ah ee IGAD ee Koonfurta Suudaan halkaas oo uu ka mid ahaa kooxdii dhexdhexaadinta ee horseeday heshiiskii nabadeed ee Sebtember 2018.

Nur Xirfadihiisa shaqo waxa uu arkay isaga oo la falgalaya qaybaha kala duwan ee siyaasadda iyo waxqabadka faragelinta heer qaran iyo heer gobol iyada oo la kaashanayo ururada dhinacyada badan leh; IGAD, AU, EU iyo UN ”, ayuu yiri  Dr Workneh .

Nuur Maxamuud Sheekh waxa uu sidoo kale doorweyn uu qaatay xoojinta wadashaqeynta Dowladaha iyo hay’adaha dhinacyada badan IGAD.

Mr Sheekh wuxuu shahaadada sare ee Colaada iyo Horumarka ka qaatay Iskuulka Cilmiga Oriental iyo African Studies ee Jaamacadda London.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this