Deeq A. Posted March 7, 2021 Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray deegaanka Feer-feer ee Gobolka Hiiraan. Wafdiga Guddoomiye Jeyte waxaa qeyb ka ah Duqa Beledweyne Nadar Tabaax maalin Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey Saraakiil ciidan iyo Ganacsato. Wafdigaasi waxaa soo dhoweyn heerkeeda sareeya gudaha degmada Feer-feer ugu sameeyay qeybaha bulshada deegaanka. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Feer-feer ka daah furi doona mashaariic horumarineed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites