Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo war kasoo saartay abaarta ka jirta gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay abaarta ka jirta Gedo.

Ugu horreyn Sayid Aadan ayaa shaaciyey in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto Gedo, islamarkaana ay ka taagan tahay abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray hay’daha samafalka ee ka howl-gala Jubbaland inay gurmad bani’aadanimo gaarsiiyaan qoysaska ku dhibaateysan halkaasi.

Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo yeereysay qeylo dhaan ku aadan xaalad biyo laáan ah iyo mid nololeed intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this