Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti Dhawrka Guud Ee Somaliland Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Maaliyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay xarunta wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo laamaheeda kala duwan.

Baadhistaasi ayaa ka kooban saddexda nooc ee uu xaqiijiyay xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016. Kaas oo kala ah Baadhis Maaliyadeed,  Baadhis Waxqabad, iyo Baadhis waafaqsanaanta shuruucda ah kuwaas oo ay ka qayb qaadan doonaan saraakiil caalami ah oo u tababaran arrimahaasi.

Sidoo kale xafiiska  Hanti dhawrka guud ee qaranka waxa uu baadhis taas lamid ah ka bilaabay wakaaladda dekedaha qaranka, wakaaladda Haamaha shiidaalka, iyo wakaaladda Biyaha ee Berbera. Kuwaas oo dhammaan xaruumahoodu yihiin magaalada Berbera, kuwaas oo baadhitanadooda la waafajin doono xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this