Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Carabta oo si adag uga hadlay Qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Baarlamaanka jaamacada carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii habeen ka hor ka dhacay maqaayadda Yemeni ee magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo soomaaliya uuna taageersan yahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Gudoomiyaha ayaa muujiyay diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta  caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.

Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Carabta oo si adag uga hadlay Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this