Deeq A. Posted March 7, 2021 Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Adel Bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay maqaaxida Luul Yemeni ee magaalada Muqdisho. Adel Bin Abdulrahman Al-Asoumi wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo Baarlamaanka Carabta u hayo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta caalamiga ah. Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii kale ee dhaawacmay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites