Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax lagula eegtay degmada Waajid

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay gobolka Bakool.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ciidamadaasi oo ka tirsan milatariga Soomaaliya lagula beegsaday qeybo ka mid ah degmada Waajid ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan loo adeegsaday qaraxa ku dhintay illaa saddex askari, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyey qaraxa, kadib howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan Baay iyo Bakool ayaa inta badan weerar culus ka fulisa labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this