Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa milatariga Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda Soomaaliya qarax xoogan lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Waajid oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen ciidamadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, iyada oo ay ku dhaawacmeen askar kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamada la qarxiyey ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna fureen rasaas, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Ciidamada ammaanka ee ka howl-gala Waajid ayaa sidoo kale sameeyey howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi, kuwaas oo laga fuliyey degmadaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya Baay iyo Bakool oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this