Sign in to follow this  
Deeq A.

Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Cali Daahir Salax ( Cali Dhahar ) oo saaka shil Gaari ku geeriyooday iyo Taariikh nolooledkii Marxuumka

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikhda AHUN Cali Axmed Saalax “Cali Dhahar” (1963-2021) oo kooban.

Cali Axmed Saalax oo loo yaqaano Cali Dhahar waxa uu ku dhashay degmada Badhan ee gobolka Sanaag sannadku markuu ahaa 1963-dii bishii juun, waxa uu ku barbaaray isla gobolka Sanaag. Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe waxa uu ku qaatay gobolka Sanaag, sannadihii 1985 illaa 1989 ayuu kulliyadda Waxbarasha Lafoole ka diyaariyey cilmiga Kimistari iyo Bayoolaji (Chemstry and Biology), Cali ayaa ahaa arday aad u firfircoon isaga oo noqday gudoomiyaha ardayda Lafoole.

Kadib waxbarashadiisii iyo burburkii dalka waxa uu in badan kasoo shaqeeyay goobo kala duwan khaasatan hay’ado samafal oo kala duwan, waxa uuna wax ku daabici jiray wargaysa Puntland sannadihii 1994/5 illaa 1996, wargayskan oo fadhigiisu ahaa Badhan iyo Laasqoray.

Xil. Cali ayaa qayb ka ahaa aas-aaskii dawladda Puntland isaga oonna xilal badan kasoo qabtay kana shaqaynayay muddadii ay jirtay. Laga bilaabbo sannadkii 1999 waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, xilalka uu soo qabtay waxaa kamid ah: Agaasimaha waaxda dooroshooyinka iyo dastuurka oo ahayd shaqadiisii u horaysay, wuxuu kaloo noqday Agaasimaha maamulka shaqaalaha iyo ku xigeenka xoghayaha guud, aakhirkii Xil. Dhahar wuxuu u dallacay Agaasimaha xogahayaha guud ee GWDPL xilkan oo uu muddo shan sanno ah hayay ayuu 2019-kii ka mid noqday mudanayaasha baarlamaanka Puntland isaga oo xildhibaanka deegaan doorashadiisu ahayd gobolka Sanaag, kadib ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada iyo dhaqanka ee golaha wakiillada Puntland. Dhahar ayaa wax badan kasoo maamulay doorashooyinka Puntland iyada oo ay ugu danbaysay doorashadii lagu doortay Md. Siciid Deni, Md. Xigeen Axmed Karaash iyo gudoomiyihii hore GW Dhoobadaareed doorashadan ayaa ahayd mid si xoog ah loogu ammaanay Xil. Cali oo markaa ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada.

Xil. Cali Dhahar waxay ku sifeeyaan dadka yaqaanna inuu ahaa nin daacad ah, samatalis ah, damqasho badan ayna ku waynayd saaxiibtinimada iyo u hagar bixidda bulshada, waxa uu ahaa nin cibaado badan, deggan, wanaagga ka shaqeeya oo af-gaaban laguna tilmaamo dadka maskaxda fiican Illaahay siiyay.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 6-dii Maarso 2021 ayuu Cali Axmed Dhahar ku geeriyooday magaallada Badhan, Xildhibaanka ayaa u geeriyooday shil uu ku galay duleedka magaallada Badhan isaga oo u socda tacsida hooyadii Raxmo Ciise Rabaadin oo aroortii maanta ku geeriyootay magaallada Badhan.

Alle ha’unaxariisto marxuun Cali Axmed Dhahar waxa uu ifka kaga tagay 7 caruura.

Qalinkii: Ahmadek Sanwilwilo.

  • FB_IMG_1615057851182-533x500.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this