Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Cali Dhahar oo u geeriyooday dhaawacii Shilka

Recommended Posts

Deeq A.   
One-1.jpg?resize=720%2C350&ssl=1Sawirka Gaariga la dhacay Marxuumka

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa haatan u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Cali Dhahar oo u geeriyooday dhaawacii Shilka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this