Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo cambaareysay qarixii ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa looga hadlay qarixii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimad dalka kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaramada Midoobay aya asheegtay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaas, islamarkaana waxa ay tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxaasi.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa caafimaad deg-deg ah u rajeysay dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 30 qof.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada qaraxii xalay ka dhacay maqaayqadda Luul Yemeni ay ka dhalatay cambaareyn xoogan, kaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo, waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad kala guur ah la aadayo doorasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this