Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo baaq soo saaray, kadib weerarkii lala beegsaday Luul Yemeni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa ahaa ee ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen maqaayadda Luul Yemene ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ka mid xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Mushharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha dalka.

“Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyn,” ayuu sii raaciyey.

Ku dhowaad 30 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo isugu jiro askar iyo shacab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this