Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, oo lagu beegsaday Maqaayadda Yemeni.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay si adag u cambaaraynayso weerarkaas foosha-xun.

Qoraalka UNSOM waxa lagu sheegay in Qaraxii xalay Al-shabaab fulisay, waxaase xusid mudan in aysan weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay tacsi u dirtay Qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, halka kuwa ku dhaawacmayna ay caafimaad deg deg ah u rajaysay.

One.png?resize=638%2C401&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this