Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo boggaadisay joojinta dibad-baxii Midowga Musharaxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeysay kuna bogaadisay In Midowga Murashaxiinta Baajiyaan Banaanbaxii ay doonayeen Iney Ku qabtaan Daljirka Daahsoon, iyagoo fiirinaya , dareensana in ay bulshada Soomaaliyeed uturaan Xaalado Caafimaad iyo mid amni darteed.

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xududeey Jimcaale oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan munaasib ku aheyn isku soo bax, maadaama xaalad caafimaad daro ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, balse haddii midowga musharaxiinta ay garteen in la baajiyo banaanbaxii loo balansaa ay tahay wax lagu bogaadiyo.

“ Ma diidana Dowladda Federaalka in banaanbax    La qabto, balse Dowladda waxaa waajib ka saaran amniga goobta iyo dadka banaanbaxa dhigayo,” ayuu yiri Wasiir xudubeey.

Midowga Musaraxiinta ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay in ay baajiyeen banaanbaxii loo balansanaa maalinta berito ah oo sabti ku beegan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this