Deeq A. Posted March 5, 2021 Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, gaar ahaan maqaaxi lagu magacaabo Luul Yamani. Qaraxa ayaa loo adeegsaday Mooto nooca xamuulka ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Afhayeen u hadlay Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax ay ku dhinteen 10 qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 30 qof. Warar madax bannaan oo aan helnay ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay qaraxaas uu ka badan yahay inta ay xaqiijisay dowladda. Dadka qaraxaas ku waxyeeloobay ayaa dhamaantood ah dad rayid ah. Dhowr jeer oo hore ayaa la weeraray maqaaxida Luul Yamani. Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay maqaaxida Luul Yamani ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: In ka badan 10 qof oo ku dhintay qarax appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites