Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo shaaciyey inay dib usoo qabteen Maxaabiista ayna dileen 20

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa warbixin kooban oo ay shaaciyeen waxay ku sheegeen in ay dib usoo qabteen Maxaabiistii lagala fakadey Xabsiga Bosaso isla markaasna ay dileen 20 Maleeshiyada Al-shabaab ah.

Howlgalkii ay Ciidamadu maanta ka fuliyeen Buuralayda Gobolka Bari ayaa waxaa jira Maxaabiis lagusoo qabqabtay in kastoo Ciidanku aysan dhaacin tirada rasmiga ah.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan, waxaa jira ugu yaraan 15 dhawac lagusoo qabtay oo Maleeshiyada Al-shabaab ah, halka Tiro kale iyana gacanta lagu hayo ay ku jiraan Maxaabiistii Xalay Xabsiga ka fakatay.

Puntlandi.com Bosaso

919BE744-B5FF-43F6-9282-46326FE45609-360

The post Ciidamada Puntland oo shaaciyey inay dib usoo qabteen Maxaabiista ayna dileen 20 appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this