Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saaray qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo u warranay Wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimadda ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo ku taal agagaarka dekedda Weyn ee degmada Xamarjajab.

Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhintay qaraxan, iyada oo ay ku dhaawacmeen 30 kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale Dhamme Sadiiq Adan Cali ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa loo adeegsaday mooto nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyey qaraxyo.

Waa markii labaad oo uu weerar xoogan uu ka dhacayo maqaayadda Luul-Yemeni, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this