Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax xoog leh oo caawa Muqdisho ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar-Jajab, kaas oo geystay khasaare nafeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu ahaa qaraxaas oo ka dhacay afaafka hore ee maqaayad lagu magacaabo Luul-Yemeni oo ku taalla meel u dhaw Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari, sidoo kale waxaa goobta ka dhashay Dab, kaas oo hadda demintiisa lagu howlan yahay.

Khasaare nafeed ayaa jira inkastoo aan weli la xaqiiji karin inta uu dhanyahay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this