Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaanbixii Muqdisho oo u baaqday khilaaf ka dhashay cida sugaysa amnigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16149559607994998.jpg?resize=720%

Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday bannanbixii Muqdisho ee qorsheysnaa in uu dhaco berri oo sabtiya.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir Jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in bannaanbaxaasi u baaqday arrimo dhanka ammaanka ah oo jira awgood.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ay goob kasta ciidan soo dhoobtay, taasina aysan suurta galinayn in bannaanbax dhaco berri.

Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Shariif in ay dib ka soo sheegi doonaan bannaanbax ay amnigiisa sugi doonaan Midowga Murashaxiinta.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay mar walba diyaar u tahay in gobolka Banaadir lagu qabto banaanbax nabadeed oo dowladdu amnigiisa sugeyso.

Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa horey ugu heshiiyay bannaanbax ka dhaca Daljirka Daahsoon oo amniga ay sugno dowladdu.

Balse shirkii saddexaad ee ay shalay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhamaaday is faham-waa.

PUNTLAND POST


The post Bannaanbixii Muqdisho oo u baaqday khilaaf ka dhashay cida sugaysa amnigiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this