Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Magaalada Bosaso iyo Howlgalada Ciidamadu wadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Galabta Dhantii galabnimo ayaa lasoo afjaray Wajigii kowaad ee Howlgal socdey ilaa saaka oo Ciidamada Puntland ay ku qaadeen Kooxa Xagjirka iyo Argagixisinimada isku darsadey ee Xalay soo weearay Xabsiga Magaalada.

Ciidamadu duhurnimadii maanta waxay gacanta kusoo dhigeen Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyaadku, Saacado ka dibna Cutubyo kale oo Ciidamada Ah ayaa dhankale kasoo galay goob ay isku urursadeen Argagixisadu, ilaa Galabta ugu yaraan 15 weerar ayay Ciidanku qaadeen.

Khasaaraha la gaarsiiyey Maleeshiyaadka ayaa ah mid aadbu baaxad weyn sida uu Puntlandi.com u xaqiijiyey Dargaal Ciidamada ka tirsan waxaa ilaa hada gacanta lagu hayaa 67 Maleeshiyaad ah, Dhimashada aad ayay u badantahay sida uu Sargaalku noo xaqiijiyey.

Howlgalkaan ayaa ah kui ugu weynaa ee Ciidamada Puntland ay qaadaan tan iyo Dagaalkii Xeebaha ee 2016-ka, Guul aad u weyn ayayna Ciidamadu ka gaareen Howlgalka maanta oo Jamce ah.

Madaxweynaha Puntland oo Tuutaha Ciidanka xiran ayaa kasoo degay maanta Bosaso, Howlgalkaan wuxuu ahaa mid lagusoo qorsheeyay Madaxtooyada Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu Caawa la hadlo Shacabka , Sida Puntlandi.com xigta ku hayo.

Puntlandi.com Bosaso

919BE744-B5FF-43F6-9282-46326FE45609-360 F717CA1D-C228-45F6-A494-7A3FFEEF5A42-750 251EAEB7-E22D-408F-82DD-B5B480FEF2BE-750

The post Wararkii ugu dambeeyay Magaalada Bosaso iyo Howlgalada Ciidamadu wadaan appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this