Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo gaaray magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
DEENI.jpg?resize=1000%2C836&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka degay magaalada Boosaaso, isagoo xiran dirayska Ciidanka, kadib weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweyne Deni uu la xiriiro u kuur gelidda xaaladda Amni ee magaalada iyo guud ahaanba Gobolka Bari.

Sidoo kale, waxa Qoraalka lagu xusay in Madaxweynuhu uu kulamo la qaadan doono Saraakiisha Amniga iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Bari.

Weerarkii xalay ka dhacay xabsiga Boosaaso oo aysan weli dowladdu faahfaahin rasmiya ka bixin, waxa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo gaaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this