Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sheegatay weerarkii lagu qaaday Xabsiga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar culus oo Xalay lagu qaaday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Weerarkan oo ku bilaawday Qaraxyo ayaa waxaa xigay Dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Booliska Xabsiga iyo Ururka Al Shabaab.

Xabsiga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku xirnaa maxaabiis ay ku jiraan Xubno ka mid ah Ururka Al Shabaab, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Booliska oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta.

Waxaa uu sheegay in weerarka lagu dilay labo askaro, islamarkaana sedex kale uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Isagoo hadalkisa sii wata ayaa intaasi waxuu ku daray in qaar ka mid ah maxaabiista ay baxsadeen inta uu socday weerarka.

Dhinaca kale, bayaan ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 400 oo maxaabiis ah laga sii daayay Xabsiga.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in maxaabiista la sii daayay ay ku jiraan Xubno ka mid ah Ururka Al Shabaab.

Degaano iyo Degmooyin hootaga Maamulka Puntland ayaa marar qaar waxaa ka dhaca Weeraro, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu sheegtaan Ururka Al Shabab.

Inkastoo Ciidamada Maamulka Puntland ay qaadeen howlgallo dhowr, hadana waxaa muuqata in Al Shabaab ay weeraro ka geysanayaan Gobolka Bari.

Degaanada Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxaa ka howlgalla Kooxda Daacish, kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ka geysta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this