Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro— Farmaajo oo la go’doomiyay iyo Shirka ka socda Garoonka Diyaaradaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Hotel kubyaal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa caawa ka socda Shirkii Mucaaradka iyo Raysal wasaaraha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Rooble, Beesha Caalamka oo iyana maanta la hadlay Mudharixiinta waxay Bogaadiyeen Dadaalada socda.

Qodobada caawa laga wadahadlay waxaa ugu weyn Sidii horey loogu socodsiin lahaa Arimaha Doorashada iyo Doorka ay Musharixiintu ku yeelanayaan Wadahadalada Doorashada.

Warar hordhac ah Oo Puntlandi.com heleen, Raysal wasaaraha iyo Musharixiintu aad ayay isugu dhowyihiin waxayna u badan tahay in heshiis laga gaaro Doorka ay Musharixiintu ku yeelan doonaan shirarka looga hadlayo Arimaha Doorashada, Puntland iyo Jubbaland ayaa ku taageersan Musharixiinta inay Doorkooda ka helaan Kulamada Mustaqbalka looga hadlayo Arimaha Doorashada.

Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hada u muuqda Nin la go’doomiyay, Shirkii uu ku baaqay ee maanta wax hadal haya ma jiraan, Villa Soomaaliya ruuxooda Masoo hadal qaadin kulankay iclaamiyeen,

Beesha Caalamka ayaa xitaa u muuqda inay dafirayaan Madaxweynaha, waxay maanta kulan Zoom-ka ah ay la qaateen Mudharixiinta ka hor kulanka caawa, waxayna aad u dhiiri galiyeen Dadaalka ay wadaan iyaga iyo Raysal wasaaruhu.

Wixii kulanka kasoo baxa kala soco Puntlandi.com Facebook Ama Twitter

Siwiradaan hoose waa kulanka caawa ka socda Haroonka Fiyaaradaha

Puntlandi.com Muqdisho

0ABDA439-0284-4164-A392-CE91E48A3756-750 4E9C4C80-EB61-499B-BC9D-C4E368DD7229-750 10847E01-02E7-4607-B9BB-2668023841DA-750 1BE77F71-589A-4E1E-91A8-C29821FB1BDB-750 B6BC4755-CA13-4B6A-B57E-1833AC40B228-750 85AD2E30-F91F-4D62-B00B-3E7F2D3082A6-750

The post Sawiro— Farmaajo oo la go’doomiyay iyo Shirka ka socda Garoonka Diyaaradaha appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this