Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ku labisnaa dareeska Gorgor oo qalab ka qaatay Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ku labisnaa dareeska Gorgor, isla markaana watay Koofi Cas ayaa qalabkii ka qaatay, kadibna jir-dilay, Camiro-Man Mahad Tawakal oo ka tirsan Shabelle TV.

Falkan ayaa goordhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ragga ka dambeeyey falkan ayaa ku baxsaday mooto Bajaaj ay wateen, iyaga oo aaday dhanka isgoyska KM4.

Qalabka ay qaateen raggan ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa ahaa Camiro nooca loo yaqaano Canon 5D Mark IV, labo Makarafoon oo ah Wireless iyo taleefan Samsung ah.

Weerarkan ayaa u muuqdo mid bartilmaameed ahaa, waxaana uu dhacay, xilli uu shaqo kasoo laabtay Mahad Tawakal oo ka mid ah howl-wadeenada Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this