Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar culus oo lagu qaaday Xabsiga Dhexe ee Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Caawa Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Weerarkan oo ku bilaawday Qaraxyo ayaa waxaa xigay Dagaal toos ah oo haatan ka socdo Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Weerarka.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Qaraxyo iyo rasaas xoogan laga maqlayo nawaaxiga Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Xabsiga caawa weerarka lagu qaaday sida la sheegay waxaa ku xiran Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ama Daacish.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan lagu qaaday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Kala soco Radioshabelle.com waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this