Deeq A. Posted March 4, 2021 Waxaa inoo socotey dhibaatada ay keensan karto Mareegaha bulshada oo looga faa-iideysto si gurracan ama xataa xad-dhaaf ah, tusaale ahaan iyadoo keeni karta cudurro nafsaani ah ama (psychological illness), iyo cudurro jidheed oo xataa qaab-dhismeedka jidhka ku keena xanuunno. Bal ka warran qofka soo qaata Barkin ee moobilkiisa is hor-dhiga isagoo suxul keliya dhulka ku haya ee weliba muddo badan ku jira waxa loo yaqaan Chatting ama wada sheekeysi?. Bal ka warran adigoo kombiyuutarka hor fadhiya maalin kasta 4 saac oo xidhiidh oo aanad istaagtaagin oo jimicsan miyaanney indhahaaga, kelyahaaga, dhabarkaaga iyo xataa maskaxdaada waxyeello ku keeneyn fadhigaas badani?. Markeynu xaggaas caafimaadka iyo sidey mareegaha bulshada oo ay xidhiidh weyn wada leeyihiin internetku ka nimaadno waxaa jira dhibaatooyin ku xidhiidhsan kuwii hore oo ay ka mid yihiin oo ay keeni karaan isticmaalka faraha badan ee baraha bulshadu sida: 7. Reduction in real human contact-Waxaa ku yimaadda qofka ku welfa ama QABATIMA isticmaalka Baraha bulshada ama si kale mareegaha bulshada inuu dayaco xidhiidhka qoyskiisaoo ay u uku seego dantii reerkiisa ama ahalkiisa inuu wuxuun ka agaasimo. Xataa xidhiidhka Lammanaha is qaba ayuu dhib weynn u geystaa waayo marka midkood kombiyuutarkiisa ama moobilkiisa ku lumiyo waqti badan qofka kale kuma faraxsana inuu jaanis u waayo wada-sheekeysiga lammaanihiisa. 8. Loss of motivation in students- Dadka waxbarasha ku jiraa waa kuwa ugu badan ee dhibaato kasoo gaadho isticmaalka faraha badan ee Mareegaha bulshada. Ardeygii laga rabey inuu maalin kasta imtixaan gudbiyo, ama jaamacad iyo macaahid kale dhiganayey hadduu naftiisa ka qaban kari waayo isticmaalka faraha badan ee alaabtaas waxaa lagu xaqiijiyey research-yo badan inuu ku dhaco imtixaamadada. La soco …. Wacays Caanood faraska1988@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites