Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la-leh midowga musharraxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow uu shir ugaga furmay Hoteelka Decale ee Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ah inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Midowgaas Shariif Sheekh Axmed.

Shirkaan oo ah midkii Saddexaad, waxaa looga hadlayaa xaaladda Siyaasadda dalka gaar ahaan khilaafka ka jira doorashooyinka dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa hore u yeeshay labo kulan oo arrimihii ugu badnaa ee loogaga hadlay ay ahaayeen banaanbaxa ay midowga musharaxiinta ku baaqeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this